Dastuurka muxuu ka qabaa in Hay’adaha Dowladda Federaalka Waqtiga loo kordhiyo?

0

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud Xoghayaha Guddiga labada Baarlamaanka u qaabilsan Dastuurka oo Su’aalo lagu weydiinayay Barta Club House ayaa la weydiiyay suuragalnimada in muddo kororsi ay sameeystaan Baarlamaanka & Madaxtooyada.

Xuseen ayaa tilmaamay in Dastuurka Dalka uu si cad u qeexayo in 4-tii sano mar la aado Doorasho, taasina ay muujineyso in aysan dhici karin muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha Dowladda oo mid weliba 60-aad uu sheegayo in ay heystaan 4-sano.

“Dastuurka waxa uu ka qabaa in labada hay’adood ee Baarlamaanka & Madaxtooyada muddo cayiman oo 4-sano ahheystaan, 27-kii December 2020 ayuu waqtiga ka dhammaaday Baarlamaanka sida ku xusan qodobka 60-aad, halka qodobka 91-aad uu sidaas oo kale Madaxweynaha heysto 4-sano” Sidaasi waxaa yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

Senator Xuseen ayaa mar uu jawaab ka bixinayay in Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka uu sameyn karo muddo kordhin in uu awood u leeyahay & haddii la heli karo qodobo looga qiil-dhigan karo arrintaas ayaa yiri:

“Aqal kamid ah Labada Gole ee Baarlamaanka sharci ma ahan marka la eego dastuurka dalka, Madaxweynaha waxaa wada doortay labada aqal oo wadajir ah, inta Doorashada qorshaheedu socda waa ay sii joogi karaan balse waa in ay howsha Doorashada socotaa”.

Labadii fadhi ee Sabtidii & Isniinta todobaadkii tagay waxa ay u baaqdeen Xildhibaanno tuhun ka keenay muddo kordhin loo sameynayo Baarlamaanka & Madaxtooyada maadaama Xukuumadda XIl-gaarsiinta ay ku guuldareysatay qabashada Doorashooyinka 4-tii sano mar la qabto.

Mustaqbal