Deg Deg: Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Qarax Miino

0

Ciidamada amaanka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay qarax miino oo lagu aasay Magaalada Buula barde ee gobalka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxeysa wadada Garoonka Diyaaradaha iyo Magaalada, sida ay xaqiijiyeen maamulka dagmada buulo barde.

Gudoomiyaha degmada Buuloburde , ayaa sheegay Shabaab inay qaraxaan ku aaseen halkaasi si ay dadka shacabka ah ugu waxyeeleeyaan, balse ciidamada ay arrintaasi ka hortageen.

Waxaa uu sheegay howlgallo ay sameeyeen ciidamada Ammaanka in ay gacanta kusoo dhigeen saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Falkaasi,islaamrkaana hadda ay ku socdaan baaritaano.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in dadka Shacabka iyo ciidamada oo wada shaqeyn ay dhexmartay in ay sahashay in Qaraxaasi gacanta lagu dhigo.

Wadada isku xirta Magaalada Buulo burde iyo Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi, waxaa hadda ka hor waxaa ka dhacay qarax miino oo dad shacab ah iyo ciidan waxyeelo kala duwan ka soo gaartay.