Deg deg: Ciidamo Ajnabi ah oo gaaray Duleedka Hobyo

0

Ciidamo Ajnabi ah ayaa goordhow gaaray deegaanka Saqiiro ee Duleedka Degmada Hobyo ee gobolka Mudug, ciidamadan oo kasoo kicitimay Magaalada Galkacyo ayaa la ogeyn ujeedada ciidamadan halkaas u tageen.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamadan yihiin Maraykan gaar ahaan Shirkada Bancroft, ciidankan ayaa saldhig weyn ku leh garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf Waqooyiga Galkacyo, waxaana Galmudug wakiil uga ah sarkaal lagu magacaabo Qooje Dagaari.

Ciidanka gaaray Saqiiro ayaa wata 6 gaari oo nuuca qafilan ah, kuwaas oo ah gawaarida aan xabaddu karin, waxaana safarkoodu ku wehliyey saraakiil Soomaali ah.

Ciidamada shirkada Bancroft ayaa bishii Feberaayo 2017 sidaan oo kale tagay deegaanada ku xeeran degmada Hobyo, wararka qaar ayaa sheegaya in Maraykanku doonayo inuu saldhig ka sameysto koofurta Gobolka, halkaas oo uu doonayo inuu kala dagaalamo kooxda Alshabaab.

Source: Ceelhuur.com