DEG-DEG: Ciidamo ka tirsan Puntland oo maanta ku wajahan Saldhigyada Daacish ee Gobolka Bari

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan PSF-ta Maamulka Puntland ay ku wajahanyihiin Saldhigyo ay kooxda Daacish ku leeyihiin Buuraleyda Gobolka Bari.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay ayey ciidamada PSF ee maamulkaas waxay ka wadeen howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee Gobolka joogta si ay meesha uga saaraan jiritaanka ay ku leeyihiin kooxdani Gobollada Puntland.

Howlgalka ayaa si gaar ah u taabtay Buuraha Cal-Miskaat iyo Cal-Madow ee Gobollada Bari iyo Sanaag, waxaana lagu baadi Goobayaa koox hubeysan oo Daacishta deegaanka joogta ka mid ah.

Waxayna Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaasi sheegayaan in howlgalladaas lagu cuuryaamiyo khataraha Amni ee kooxahani ay kasoo Maleegaan Buuraha, kuna dhibaateeyaan magaalooyinka Puntland iyo si guud Soomaaliya.