DEG-DEG: Ciidanka DFS oo la wareegay deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka DFS ay kala wareegeen Al-shabaab deegaanno ka tirsan Degmadaas.

Degmada Baraawe ayey ciidanka DFS waxay maanta ka billaabeen howlgal xooggan kaasoo ay ciidanku ku qabsadeen deegaanno laga maamulo magaaladaas.

Saraakiil ku sugan ciidanka Dowladda ee ku sugan Baraawe ayaa u sheegay Xogdoonnews in ay Al-shabaab ka saareen deegaannada ku dhow Baraawe halkaas oo Al-shabaab ay ku xoogganaayeen Sanadihii dambe, isla markaana waxay sheegayaan in howlgalka looga saarayo Shabaab Gobolka ay dhankooda u diyaar garoobeen.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan dhinaca Ammaanka ah wuxuu magaalada Baraawe kula qaatay Taliska Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM, wuxuuna ku amray in ay dagaalka Al-shabaab sida ugu dhow u billaabaan.

Deegaannada Al-shabaab Maanta looga qabsaday dagaalka ayeyna Saraakiishu sheegeen in ay aheyd Jawaabta la siinayay Guddoomiyaha Gobolka oo amar ku bixiyay in aan la sugin dagaalka Shabaab oo uusan waqti intaas ka badan qaadan.