DEG-DEG: Ciidanka DFS oo Muqdisho ku dilay qof Rayid ah iyo Dibaxbax ka socda halka dilku ka dhacay

0

Ciidanka Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya ayaa qof Rayid ah ku dilay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka Dowladda ayaa la sheegay in ay ninkaas rayidka ah Toogteen xilli uu Salaadda Subax u socday, isla markaana uu marayay meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Degmada Kaaraan.

Ninka ay ciidanku toogteen ayaa la sheegay in uu ahaa Nin da’ ah, isla markaana doonayay in uu Masaajidka kusoo dukado Salaadda Subax.

Goordhow war ay heshay Xogdoonnews ayaa sheegaya in halka dilkaasi ka dhacay ay soo dhoobteen dad badan oo Shacab ah oo ku Mudaharaadaya Booliska ilaalada ka haya xarunta Degmada Kaaraan.

Dadka isu soo baxay oo aad u careysan ayaa sheegaya in ay aad uga xumaadeen dilka loo geystay ninkaas Odayga ah Aroornimadii Saakay.

Filo wixii kasoo baxa mudaharaadka ka socda Kaaraan