Deg Deg:- Ciidanka Galmudug iyo Maleeshiyaad ku dagaalamaya deegaanka Godinlabe

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Godinlabe oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in uu halkaas saakay ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug iyo sidoo kale maleeshiyo Hubeysan oo jidgooyooyin dhigtay deegaanka Godinlabe.

Saraakiil Ka tirsan ciidanka maamulka Galmudug  ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay qaadaan isbaarooyin dad lagu dhibaateynaayay oo yaalay deegaanka Godinlabe ka dibna maleeshiyaadkii isbaarada dhigatay ay ay dagaal kala hor yimaadeen ciidanka maamulka Galmudug.,

Horay ayaa dagaal u dhaxeeya ciidanka Galmudug iyo sidoo kale maleeshiyo hubeysan waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug , waxaana ciidanka Galmudug ay guuleysteen in ay qaadan isbaarooyinkii Yaalay duleedka Gaalkacyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here