canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge DEG DEG: C/kiriin Guuleed & Ciidan Wata oo Gaaray Degmada Cadaado | XOG-DOON NEWS

DEG DEG: C/kiriin Guuleed & Ciidan Wata oo Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Ee Kalsoonida Waayey C/kiriin Xuseen Guuleed iyo Wafdi uu hogaaminayey ayaa waxa uu goor dhaweyd gaaray Magaalada Cadaado.

Waxa la sheegay in Ciidan badan uu watay Guuleed markii Cadaado uu galayey iyadoo Diyaarad ay ka qaaday Xamar taasi oo sii kordhisey Xaalada Siyaasadeed Ee Magaaladaasi ka jirtay Maalmahan dambe.

Shalay Xildhibaano ka badan 50 Mudane oo Galmudug Baarlamaankeeda katirsanaa ayaa waxay xilkii ka qaadeen C/kiriin Guuleed iyagoo ucuskaday Hogaamin fiican uusan la imaan intuu xilkaasi hayey.

Kulamo gaar gaar ah ayaa durba Guuleed ka bilaabay Cadaado taasi oo salka ku heysa Arintii shalay Xilka looga xayuubiyey oo xalkeeda la raadinayo.

Sidoo kale maanta waxaa Cadaado ka dhacay Banaanbax lagu taageerayey Xilka qaadistii lagu sameeyey waxaana dadka badankood ay isweydiinayaan waxa xigi doona socdaalkiisa Cadaado uu ku tagey.

Halkaan kala soco Wararka

.