DEG-DEG: Dableey Mooto Wadata oo Afgooye ku dilay Qof Rayid ah

0

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaas ay goordhow dableey hubeysan oo Mooto Laba Lugood ah wata ay ku dileen wiil dhallinyaro ah.

Laba Nin oo wadata Mooto ayaa la sheegayaa in wiilkan ay ku dileen Xaafadda Ceel Qode ee degmada Afgooye, halkaas oo uu ku lahaa goob ganacsi.

Qofka la dilay magaciisa waxaa lagu sheegay Abuukar Qaasim, wuxuuna ka mid ahaa dhallinyarada degmada Afgooye.

Ciidanka Booliska ee Afgooye ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxayna billaabeen Baaritaan aan ilaa iminka la xaqiijin cidda ay kusoo qabteen.