DEG DEG: Dad shacab ah oo lagu Rasaaseeyay Magaalada Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Xamar Jajab gaar ahaan Agagaarka Dekada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan Ilaalada Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa in ay Rasaas ku fureen Dad shacab ah iyo sidoo kale Askar ka tirsan Dowladda.

Ilaalada Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa la sheegay Rasaasta ay fureen in ay ku dhaawacmeen Dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan Dowladda oo halkaasi ku sugnaa, waxaana dhaawac uu soo gaaray tiro dad ah, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada dhaawacyada.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Gaariga iyo ilaalada Xildhibaanka, waxaana ay sheegeen in ay su’aalo ka weydiin doonaan sababta ay arintan ku dhacday.

Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in aysan u turin shacabka gaar ahaan xilliyada ay marayaan wadooyinka oo mararka qaar ay Rasaas ku furaan Dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here