DEG DEG: Dagaal culus oo Ciidamo Itoobiyan iyo Al-shabaab ku dhexmaray Gedo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo marayay duleedka degmada Garbahaareey.

Dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa haatan ka socda duleedka Garbahaareey.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Garbahaareey ayaa waxa ay  sheegeen in ay haatan maqlayaan jug Culus,islamarkaana uu jiro gurmadyo kala duwna oo ay wadaan labadan dhinac.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka maadama wali uu socdo.