DEG DEG: Diyaarad sidda Sheikh Mukhtaar Roobow oo hadda ka soo duushay Xudur

0

War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in diyaarad sidda Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ay ka soo duushay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku sugan magaalada Xudur ayaa inoo sheegay in diyaarad gaar ah oo sidda Wadaadka isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya Abuu Mansuur ay ka soo ambabaxday degmadaasi,waxaana la leeyahay waxay ku soo jeedaa magaalada Muqdisho.

Taliyaha gaar ah ee ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shiine Macalin Nuurow oo goor sii horeysay la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in saacadaha soo aadan diyaarad gaar ah Sheikh Mukhtaar ka qaadi doonta magaalada Xudur,balse wuxuu ka gaabsaday halka la geynayo.

Sheikh ayaa safarka waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya C/rashiid.

Saraakiisha dawladda ayaa la sheegay inay xalay kulan kula yeesheen tuulada Abal Mukhtaar Roobow kadibna ay ku heshiiyeen inay yimaadaan magaalada Xudur.

Ilo ku dhow madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku waramay in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan uu Muqdisho ku soo dhaweynayo Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Diyaaradda Sida Sheikh Mukhtaar ayaa wali hawada ku soo jirta mana soo gaarin magaalada Muqdisho.

Mukhtaar Roobow ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaallo kula jiray maleeshiyada Al-Shabab oo weeraray saldhiggiisa.

Bishii Juun ee aynu soo dhaafnay ayaa Roobow laga saaray liiska dad ay si weyn u raadinaysay dawladda Maraykanka, waxaana la sheegay in markaas kadib ay Al-Shabab ay bilaabeen inay ka saaraan degaannada uu ku jiro taasi oo ana u suurtogelin.