DEG DEG: Diyaaradii siday Sheikh Mukhtaar Roobow oo goordhow soo gaartay Muqdisho

0

Waxaa Goordhow Garoonka diyaaradaha Adan Cadde soo caga dhigatay diyaaradii siday Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,taasi oo ka soo duushay magaalada Xudur.

Diyaarada ayaa waxaa la saarnaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliye kuxigeenka NISA iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed.

Ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ammaanka Abuu Mansuur la wareegay Ciidamada gaarka ah ee Nabadsugida.

Ilaa iyo hadda lama hubo halka la geynayo Wadaadka,waxaana la sheegayaa in Sheikh Mukhaar uu la kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sheikh Mukhaar iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa saakay isku dhiibay Dowladda Soomaaliya,waxaana Xudur kula kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya.