DEG-DEG: Fannaanaddii ugu horreysay ee Af-Soomaali ku heesta oo Geeriyootay

0

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Hargeysa waxaa halkaas ku geeriyootay Fannaanaddii Caanka aheyd ee Shamis Abuukar Ismaaciil lagu naaneysi jiray Gaduudo Carwo.

Fannaanadda ayaa aheyd middii ugu horreysay ee Haweenka Soomaaliyeed ah ee ku heesta Afka Soomaaliga, waxayna ka mid aheyd dadka marka fanka lagu biirayo dad badan ay ka dhigtaan yool ama qofka ay hoogsadaan.

Waxaa la sheegay in 25 sano ay ku xanuunsaneysay dhulka Somaliland, sida ay dadka fanka Jecel ee jooga Hargeysa Sheegeen.

Xogtaan waxaan ka xiganay Dalsan Radio