Deg Deg: Ganacsade lagu dhex toogtay xaruntiisa ganacsi

0

Sida ay Xogdoonnews wararka ku heleyso  kooxo ku hubeysan Bastoolado  ayaa waxa ay dil ugu dhex geysteyn Goobtiisa ganacsi mid kamid ah ganacsatada Suuqa Xamar weyne.

Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay in uu ahaa Maxamed Cabdiqaadir Jeylaani xili uu ku gudo jiray howl maalmeedkiisa  waxaana la sheegay kooxda dilka geysatay in ay goobta ay isaga baxsadayn dilka ka dib.

Ciidamada amaanka ayaa goobta uu dilka ka dhacay oo aheyd carwada marxuumka la toogtay soo gaaray iyagoo halkaasi ka sameyey baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxda dilka geysatay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay masuuuliyada dilkaasi.