DEG-DEG: Garoonka Koonis oo Wariyeyaasha loo diiday in ay Galaan, Sababta!

0

Wararka aan hadda ka heleyno Garoonka Koonis ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegaya in Wariyeyaasha iyo Telefeshinnada soo baahin lahaa ciyaarta xiisaha leh ee Galabta dhexmari doonta Banaadir iyo Jubbaland loo diiday in ay gudaha u galaan garoonka.

Ciyaarta ayaa waqtigii la baasan lahaa uu hadda aad u dhowyahay, waxaana kaliya ay wariyeyaasha halkaas ku sugan soo sheegayaan in gudaha iyo baahinta Ciyaarahaas loo oggolaaday Telefeshinka Universal Tv.

Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan in Film qaadeyaasha, Wariyeyaasha iyo Xubno ka tirsan Maamullada Warbaahinta dalka Bannaanka Garoonka lagu horay oo loo diiddanyahay in ay galaan Garoonka Koonis.

Toos noogala soco wixii soo Kordha