DEG-DEG: Golaha Wakiillada Somaliland oo War kasoo saaray Go’aankii DP World dalka looga Mamnuucay

0

Golaha Wakiillada ee maamulka Somaliland oo dhowaan kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaas ayaa ku dhawaaqay in uusan quseyn Go’aankii Baarlamaanka dalku uu ka qaatay shirkadda reer Imaaraat ee DP World dalka looga Mamnuucayay.

Shirka Golaha Wakiillada oo uu guddoomiyay, Baashe Maxamed Faarax oo ah guddoomiyahooda ayaa waxaa laga soo saaray in aysan Somaliland saameyn ku yeelan doonin go’aannada Baarlamaanka Federal-ka ah.

Shalay ayuu Golaha Shacabka Soomaaliya soo saaray xeer dalka ka mamnuucaya shirkadda DP World, taasoo heshiis Seddax Geesood ah la gashay Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo lagu dhisayo dekadda Berbera.

Warbixin intaan ka faafaahsan naga filo goordhow