DEG DEG: 13-Wasiiro ka tirsan Hirshabelle oo is casilay

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in ku dhawaad 13-Wasiiro goordhow ay magaaladaasi kaga dbawaaqeen iney iska casileen Xilkii Wasiirnimo ee maamulkaasi.

Shir jaraa’id oo Wasiirada goor dhow ku qabteen Hotel ku yaalla magaalada Jowhar ayay ku sheegeen inay isku casileen waxqabad la’aan Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble  iyo inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday.

Waxaa sii xoogeystay ololaha lagu diyaarinayo mooshinka ka dhan ah madaxweynaha maamulka Hirshabelle C/llaahi Cosoble oo lagu doonayo in xilka looga tuuro.

Wasiirada maanta is casilay ayaa ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi iyagoona ku biiray ololaha ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Mooshin ka dhan madaxweynaha ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka maamulka Hirshabelle,kaasi oo ay saxiixeen in ka badan 40-tameeyo Xildhibaano oo ka horjeeda sida uu wax u wado madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo lagu eedeynayo inuu ku xadgudbay Qodobo ka mid ah Dastuurka maamulkaasi.