DEG-DEG: Madaafiic kusoo dhacday Agagaarka Madaxtooyda Soomaaliya

0

Muqdisho qeybo ka mid ah waxaa laga Maqlayaa Madaafiic, ku dhaceysa Agagaarka Madaxtooyda Soomaaliya.

Dadka deggan goobaha ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in halkaas ay kusoo dhaceen Tiro Madaafiic ah, kuwaas oo aan Khasaaraha ka dhashay ilaa iyo hadda la xaqiijin.

Madaafiicda ayaa la sheegayaa in ay qaarkood ku dhaceen Gudaha Madaxtooyada in kastoo aaney Mas’uuliyiinta Xaruntaas Xaqiijin.