DEG-DEG: Malleyshiyo Beeleed ku Dagaallamaya Gobolka Hiiraan

0

Gobolka Hiiraan ayaa lasoo warinayaa in ay ku dagaallamayaan Malleyshiyo Beeleed, isla markaana uu dagaalkoodu qarxay Duhurnimada Maanta ah.

Deegaan dhaca dhanka Xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Galgaduud ayaa la sheegayaa in uu ka billowday dagaal Beeleedka, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah sida dadka deegaanku sheegayaan.

Deegaanka lagu dagaallamayo waxaa lagu Magacaabaa Ilguule, wuxuuna ka tirsanyahay deegaannada Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 2 qof inta la xaqiijiyay, halka sidoo kale ay dhaawacyo kasoo gaareen 4 kale, waxaana dadka waxyeelladu gaartay ay yihiin dhammaantood Malleyshiyaadka dagaallamaya.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in la kala geeyay Guriceel iyo Beledweyne Isbitaallo ku yaalla, iyadoo uu weli dagaalku soconayo.

Filo warar dheeri ah