DEG-DEG: Markab Hub halis ah u siday Al-shabaab & Daacish-ta Soomaaliya oo la qabtay

0

Hub lagu sameeyay Wadanka Kuuriyadda Woqooyi oo saarnaa Markab laga leeyaya Wadanka Iran oo doonayay in Si dhuumaaleeysi ah uu ku keeno Soomaliya ayaa la qabtay, Sida uu daabacay Website ka Express ka ee kasoo baxa Uk.

Hubkaas waxa la sheegay in loo soo waday Soomaaliya islamarkaan ay Qabteen Maraakiib Qaabilsan la soocodka Cune Qabateeynta Saaran Soomaaliya ee dhinaca Hubka ah.

Dublamaasiyiinka Tirsan Q M oo laweydiiyay sababta ay Hubkaan Soomaaliya loogu soo daabulayo iyo Cidda Wadda ayaa sheegay in la Aaaminsanyahay in hubkaan laga Soo diray Dalka Iran oo isku dayaya in uu hubeeyo Kooxaha ka dagaalama Wadanka Soomaaliya.

Markabka laga leeyahay Iran ee hubka Siday waxaa Qabtay markab kale oo laga leeyahay faransiiska oo kusugnaa Biyaha Carabiya layiraahdo ee Dhinaca Woqooyi kaga dhagan Badweeynta Hindiya.

Qabashadda markabkaan Iraan laga leeyahay ee hubka usoo siday Soomaaliya Warkiisu wuxuu imaanayaa Maalin kadib markii la Daabacay Warbixin ay soosaareen Kooxda QM u qaabilsan Lasocodka Xayiradda hubka ee Saaran Soomaaliya oo ay kusheegeen in Al-shabaab ay Hub ka helaan Dalka Iraan Hubkaasna laga Soo dajiyo Deegaanadda puntland, waxayna Sidoo kale kooxda QM sheegeen in Hubkaasi uu ka yimaado Wadamadda Iran iyo Yamen.