Deg Deg Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Muqdisho.

0

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la soo dhigay meel aan ka fogeyn isbitaalka Daaru Shifa wadada maka Almukarama ee magaalada Muqdisho ayaa goordhow ku qarxay halkaasi.

Qaraxa oo goordhow dhacay ayaa geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta ciidamada xasilinta waxaa ay ka wadeen baaritaano xoogan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in magaalada la soo geliyay baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay kuwaasi oo ay baadi goobayaan ciidamada amaanka.

Ciidamada xasilinta ayaa waxaa la geliyay feejignaan dheeri ah iyadoo arintaani ay ku soo beegmeyso iyadooo dowlada Soomaaliya ay maanta sheegtay in dilka loo geystay gudoomiyihii Al-shabaab ee gobalka Banaadir ay yareeyneyso falalka qaraxyada iyo dilalka al shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho.