DEG-DEG: Qarax xooggan oo Muqdisho ka dhacay

0

Waxaa goordhow Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho laga maqlay Qarax xooggan, kaasoo ay xigtay Rasaas.

Qaraxa ayaa lagu warramayaa in uu ka dhacay Waddada Maka Al-mukarrama, si gaar ahna meel aan sidaas uga fogeyn Guriga Baarlamaanka dalka.

Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah ee Ambalaaska ayaa goobta kusii Qulqulaya si ay dhaawacyada Qaraxaas uu sababay u geeyaan Isbitaalaadka.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan in uu ka dhacay Iridda hore ee Hotel Weheliye Magaalada Muqdisho.

Filo Warar dheeri ah.