DEG DEG: RW Kheyre iyo Shariif Xasan oo shir Albaabada u xiran yahay ka leh arinta Mukhtaar Roobow

0

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan qorshaha Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya,iyadoo ay jiraan warar sheegaya in hada kulumo ay u socdaan Sheikh Mukhtaar iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa waxaa saaka deegaanka Abal oo uu muddo ku noolaa ka soo galbiyay Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60aad, kaddib markii ay maalin ka hor ugu gurmadeen deegaankii uu ku sugnaa.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in Wadaadka uu kaligii isa soo dhiibay,islamarkaana uu ciidamadiisa kaga soo tagay deegaanka Abaloo wali ay dhufeys kaga jiraan,sida warar aan ku heleyno.

Waxaa socda kulumo lagaga arinsanayo sida laga yeelayo Wadaadka isa soo dhiibay kuwaasi oo ka kala socda magaalooyinka Xudur iyo Muqdisho.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan uu u socdo kulan deg deg ah oo albaabada u xiran yahay.

Mukhtaar Roobow ayaa gooni u goosad ka ahaa Al-Shabaab, tan iyo sanadkii 2013, markii uu soo baxay khilaafka ka dhex bilowday Saraakiil uu ka mid ahaa iyo Amiirka Al-Shabaab, waxaana khilaafkaas uu sababay in xubno ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday Axmed Godane la dilo, halka qaar kale uu isaga ku jiray ay ka baxsadeen.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidamo gurmad ah u diray Wadaadka markii ay Al-shabaab weerar ay ku soo qaadeen deegaanka uu Gobolka Bakool kaga sugnaa ee Abal,balse ciidamadiisa ay labo jeer iska difaaceen.