DEG DEG: Sarkaal Nabad Sugid ah oo goor dhow Muqdisho lagu dilay

0

Sida wararka aan heleyno ay tilmaamayaan Koox Hubeysan ayaa goordhaw xaafadda Maana Boolyo ee degmada Shibis Ku dilay Sarkaal Ka tirsan hey’ada NabadSugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee  NISA.

 

Sarkaalkaan oo la sheegay in lagu magacaabo Maxamuud Xaaji Cali, ayaa la sheegayaa in kooxihii dilay ay durba goobta ka baxadeen .

 

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay durba goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen , waxaana socda baaritaano lagu doonayo in lagu soo qato kooxihii falkaas dilka fuliyay.

 

Dilkaan ayaa qeyb ka ah dilal mudooyinkii dambe kusoo badanayay Muqdisho , iyadoo laamaha amaanku ay sheegayaan inay wax ka qabanayaan xaladda amni ee Caasimadda Muqdisho .

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here