DEG-DEG: Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay goordhow kasoo degeen 2 diyaaradood oo ay la socdaan madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cabdiweli Gaas,

Xubnaha ayaa waxay kasoo degeen garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaas dhinaca Puntland, waxaana ay Caawa ku hoyan doonaan isla Puntland, halkaas oo qorshuhu yahay in ay berri Safarkooda uga soo gudbaan deegaannada Galmudug.

Degmooyinka Galmudug ee uu tegi doono waxaa ka mid ah Gaalkacyo Qeybta Galmudug, Dhuusamareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq, iyadoo deegaannadaas uu ka socdo diyaar garow xooggan oo ay sameynayaan dadka degmooyinkaas.

Wararka Safarka madaxweynaha nagala soco