Deg deg: War-xiiso leh oo kusoo kordhay Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka

0

Musharaxiinta wareega koowaad galay kaalmaha 3aad iyo 4aad ayaa ka tanaasulay tartankii wareega labaad, iyagoo fududeeyay, waqtigana eegay, si aanu tartanka u dheeraan.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ayaa sheegay inuu tixgelinayo Xildhibaanada qaar oo ka codsaday inuu tanaasulo, sidaas uu ku go’aansaday inuu fududeeyo, waxaana uu ku taliyay in la doorto shaqsi ka bixi kara mas’uuliyadda uu leeyahay xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Sidoo kale C/casiis Lafta Gareen oo ah Musharaxii kaalinta 3aad galay ayaa isna ka mahad celiyay Xildhibaanadii siiyay cododka, isla markaana ka tanaasulay inuu u sii tartamo wareega labaad.

Intaas kaddib ayaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey uu ku dhawaaqay in si toos loo aadayo wareega 3aad, isla markaana lagu tartamayo codka hal dheeriga ah, labada musharax ee isugu soo haray wareega ugu dambeeya ee kala ah Ibraahim Isaaq Yarow iyo Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.