DEG-DEG: Wasiirka Amniga Puntland oo lagu dhegganyahay, Baarlamaanka ayaa u yeeray

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Baarlamaanka Maamulkaas ay u yeereen wasiirka Amniga, iyadoo uu wajihi doono Su’aalo dhanka Amniga la xiriira.

Wasiirka Amniga Axmed Dowlad iyo saraakiisha kala duwan ee ciidanka ayaa la sheegay in wax laga weydiin doono Weerarada Al-shabaab iyo Daacish ay ka geystaan Magaalooyinka Puntland iyo Muranka dhanka Gobollada Sool iyo Sanaag Ee Puntland iyo Somaliland u dhexeeya.

Waxaa wasiirka lagula xisaabtami doonaa ilaalinta xudduudaha Puntland oo loo sheegay in ay biya kama dhibcaan tahay, isla markaana ciidamada ilaalada Xuduudaha ee Puntaland ayaa u diyaar garoobaya in maalin keddib aysan doorasho ka qabsoomin Sool iyo Sanaag.

Baarlamaanka Puntland ayaa dhowaan soo saaray go’aan ay ku sheegayaan in wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulkaas looga doonayo in ay doorashada Somaliland ka ilaaliyaan in ay ka dhacdo dhulka lagu muransanyahay ee labada maamul.