DEG DEG: Wiil iyo Gabar wada dhashay oo ku dhintay Miino kula qaraxday Mahadaay

0

War hadda Soo dhacay ayaa sheegaya in Wiil iyo Gabar wada dhashay ku dhintay Meel u dhow Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ka dib markii ay Miino la kacday Mooto ay wateen.

Miinada ayaa la sheegay in wadada lagu aasay , inkastoo aan  la ogeyn cidda wadada miinadaas ku aastay , waxaase loo maleynayaa inay Al-shabaab ku diyaariyeen halkaas si  ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee wadadaasi mara ay ula qaraxdo.

Goobta ay miinada kula qaraxday waxaa ku baxay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka degmada mahadaay .

Wixii wararkaas kusoo kordha kala soco www.xogdoonnews.net

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here