DEG DEG+DAAWO: Kaniisadii laga furay Hargeysa oo goordhow la xiray

0

Maamulka Somaliland ayaa goordhow  shaaciyay in gabi ahaanba la xiray  kaniisadii dhawaan laga furay magaaladda Hargeysa.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheikh Khaliil C/llaahi Axmed oo shir ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in kaniisadaas la xiray kadib markii culimadda ay go’aankaas ku dhawaaqeen xalay.

“Waxaan xirnay kaniisadda, maadaama ay culimadda go’aankaas gaareen waana qasab inaan raacno waxa ay diinteena ka qabto”ayuu yiri Wasiirka.

Culimada Somaliland ayaa si adag kaga soo horjeestay go’aanka Xukuumada oo ku aadanaa iney ogolaato furida 30-sano ka dib Kaniisa ku taalay magaalada Hargeysa.