Degmooyin ka tirsan Hirshabeelle oo Aqoonsiyada Degmanimo lagala Laaban karo, Sababta!

0

Degmooyin uu magacaabay madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa laga yaabaa in Aqoonsiga Degmanimo lagala Laabto.

Maamulka Hirshabeelle ee waqtigaan ayaa ka fiirsanaya in ay degmooyin sii ahaan karaan deegaannada Halgan,Ceel Cali iyo Far-libaax oo dhammaantood uu degmooyin u magacaabay Cali Cosoble.

Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay ka fiirsan doonaan jiritaanka Degmanimo ee deegaannadaas ka tirsan gobolka Hiiraan.

In kastoo aan markii hore la Anisixin in ay degmooyin noqonayaan deegaannadaas, haddana Caadle ayaa sheegay in ay Arrintaan Ansixinteeda Rasmiga ah leeyihiin Xubnaha Baarlamaanka.