Deyrta Dhulka & Macluusha Maandeeq. W/Q Mahdi Muse

0

Asbuuc kama soo wareegin kolki la hadal hayay in ay abaar xumi ka jirto deeganada qaar, waxaase Allaah mahadii ah in hadda la diirsaday oo ay roobabki curteen, Laakiiin asbuuc & ka badan waxaa taagaan Abaar Siyaasadeed qax & wareer galiyay siyaasadda Soomaaliya, hoog & macluulna dhigay yidi-diiladiii Maandeeeq..!!

Barnaamijka Higsiga ee naloo meeriyay waxuu ku soo idlaaday doorasho 4.5 ah. haba ahaatee waxaan wali muuqan dadaal loogu diyaargaroobayo doorashadaa, taa oo ka harsan boqol maalmood ka yar. waxaase ka sii daran dhacdooyinka dhinac socda oo aan xog badan laga heyn , laakin leh mala-awaal aan farxad & yadiidlo midood ka muuqan .

Colaadda ka curatay dhulka Soomaalida itoobiya, dhankeeda xaduuda la leh Galgaduud, waa dab dhari cusub lagu kar-karinayo. kulanka sadexda madaxweyne ee soomaali ka soo wada jeeda (Guled, Ahmed Madoobe & Cabdi Ileey) waa dheemish la xardhay oo waliba sidaa loo diyaariyay, jawiga wada-hadalkuna waa riwaayad ay sadexdoodu matalayaan, laakiin xaqiiqda & gunta kulanka waxaa noo ka shifay Camerada aan la qarin oo qabatay Gabre oo u dhaxeeya sadex hoggaamiye oo soomaali ah, haddana laba dal kala ah, waa muuqaal riyo hore ahaa , laakiin maanta Itoobiya u dhaboobay, waxaase ka sii daran oo calool xumo ah kolki ay si siman safar shaqo ugu soo wada baxaan Gabre & Cabdi Ileey, ayagoo ku soo wajahan Tuulada aan ku dhalanay ee dhacda Bariga Soomaaliya. Sawirkan dhacay & tan aan hadda saadaaliyay waa qorshe cusub oo ay itoobiya ku bixineyso toosh cagaaran oo bidhaaminaya in Maamuladu aysan wax weyn ku kala duwaneyn (Kilinka shanaad + Kilinka Lixaad).

Asbuucan tagay waxaa Mosco gaaray Wasiirka koowaadee Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid, waxaa la oran karaa waa Talaabo Diblomasi tii ugu culseyd ee ay soomaliya qaaddo muddoyinkan dambe, taa oo sugeysa in qaran kabka Soomaaliya uu dhan ka yahay in lala jaan qaado xariirka dowladaha caalamka kuwooda uu loolanka siyaasadeed u dhaxeeyo, waxaase dareenkaa qiimo tiray Safarka wasiirka arimah Dibadda Itoobiya, uu Mosco ku tagay ka gadaal booqashadii Mudane Cabdirashiid, si madaxda Ruushka uu ugala xaajoodo arimaha Afrika, gaar ahaan kuwa geeska Afrika oo ah ciidda san & dhulka udgoon ee ay maandeeeeq daaqdo.

Saameynta Baaxadda weyn ee Itoobiya ku leedahay Soomaaliya ma ahan mid ku timid awoodda ciidan ee ay ku leedahay gudaha Soomaaliya, waxaa jira arimo siyaasi & kuwo diblomasi oo arintaa garab ku siiyay, Soomaliya waxey u dhaxeysa xariir diblomasi oo wadaag ah, kaa oo ka dhaxeeya Mareykanka & Itoobiya, faro galinta Mareykanka ee caalamku ma ahan mid waji qur,a leh, qaaar waa faro galin toos ah oo aan u baahneyn in hey,ad ama dal kale loo maro, qaarna waa mid dadban oo keeneysa in ay shafato waddo dhexe & dal sii gaarsiiya danheeda ay ka leedahay dalkaa, sida soomaaliya oo kale.

Soomaaliya uma mudna xilligan in Mareykanku uu toos u soo faro galiyo,macnuhu ma ahan dhulka qalalan ee ciidda ah, haddana aan shidaalka laga dhuuqeyn, ee waa in xaaladda Soomaaliya ee xilligan ay fursad siineyn faro galin toos ah, sidaa darteed laga bilaabo jabkii Mareykan ka raacay Ciidda Soomaaliya waxuu goostay in xaajada Soomaliya diblomasi ahaan ugu wareejiyo Itoobiya, oo ayadana dhankeeda u ga faa,ideysatay danaheeda gaarka ay ka leedahay dhulka maandeeq, waana midda manta keentay in rajadii ugu dhoweyd Soomaaliya ee aheyd in Diblomaasiyada & xariirka wanaagsan ee Ruushka uu dib u soo celiyo dheeli tirka awoodaha Diblomaasi ee soomaaliya ku hardamaya, laakin nasiib xumo ma dhicin oo hoggaanka Itoobiya waa dad yaqaan Jabka meesha uu uga iman karo, si taa loo owdana waxaa daf ku yiri Mosco wasiirkeeda arimaha dibada si uu u raad tiro hanka dibloomaasi ee soomaaliya ka galay Madaxda Ruushka ee Kremlin ka fadhiya…!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here