DFS oo war Xasaasi ah ka soo saartay Madaafiicdi xalay lagu garaacay Muqdisho

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow  Ducaale ayaa sheegay in jugtii iyo dhawaaqii cuslaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho aanay aheyn madaafiic hoobiyeyaal ah, balse ay ahaayeen waxyaabo ka dhashay baaruudda qaraxda.

Wasiir Ducaale oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay inay dhawaaqa caawa fiidkii laga maqlay Muqdisho ay ahaayeen bacyo lagu shubay Baaruudda Qaraxda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay jirin qof wax ku noqday, sidoo kale Ciidamada ammaanka ay tageen goobihii ay ka dhaceen waxyaabahaas.

“Dhawaaqii iyo jugtii caawa dhacday waxay ahaayeen dheemish, ma aheyn madaafiic, waxay ahaayeen walxo baaruudda qaraxda oo baco lagu shubay”ayuu yiri Wasiir Islow.

Hase ahaatee waxaa jiray weerar bambaano oo lagu qaaday xarumo boolis iyo guri uu degenaa sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo ku dhow Isgoyska Dabka, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay illaa labo askari.

Dadka ku nool Xaafadaha Hodan, Waaberi, H/wadaag, Warta Nabadda iyo Xamar Weyne ayaa waxaa argagax iyo cabsi geliyay jugta qaraxyo xooggan oo magaalada gilgilay, iyadoo dadka isla dhex marayeen inay ahaayeen wax u eg madaafiic soo dhacayay.

Qaraxyada xalay gilgilay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aaday, iyadoo ay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana inta badan bisha Ramadaan kordha weerarada ay geystaan Al-Shabaab, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday in la diyaariyay Ciidamo suga amniga Caasimadda.