Dhageyso: Amar ka soo baxay maamulka J/land oo looga dhawaaqay Gedo

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada maamulka Jubbaland oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay Ciidamada in looga baahan yahay in si sax ah ay u gutaan waajibaadka ka saaran shaqadooda.

Waxa uu sheegay Ciidamada in ay ka duwan yihiin bulshada iyo dadka kale, lagana doonayo in ay dalka ka difaacaan cadowga kana horatagaa waxyaabaha lidiga ku ammaanka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa Ciidamada Jubbaland uga digay marka ay Tababarooda dhameystaan ee ay ku guda galaan shaqadooda in ay si xun ula dhaqmaan shaacbka, maadaama ay u shaqeeyaan shacabka.

Wuxuu shacabka Jubbaland ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, si loo soo qab qabto ragga isku daya in ay arbushaad ku sameeyaan meelaha ay isagu yimaadaan shacbaka.

“Ciidamada gaar ahaan kuwa Jubbaland, waxaa laga doonayaa in ay ka shaqeeyaan xoojinta ammaanka degaanada Jubbaland, mar walabana ay la shaqeeyaan shacabka, waxaan mar walba ku dadaalnaa sidii Ciidamada ay u heli lahaayeen xaqa ay leeyihiin”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.