Dhageyso: Amniga Soomaaliya oo si kale loo wajahayo

0

Xukuumadda Federal-ka ah ayaa ku dhawaaqday in si kale loo wajahayo Sugidda Nabadgelyada Dalka, iyadoo uu magaalada Kismaayo Shalay kusoo idlaaday shir Ammaanka looga hadlayay oo halkaas ka socday Labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Dowladda ayaa sheegtay in Qaraxyada iyo Weerarrada ka yimaad Al-shabaab markan lagu wajahayo xeelad ka duwan middii hore, isla markaana ay tahay midii soo Afjari laheyd damaca Shabaab ee ah in ay kasii taliyaan qeybo Soomaaliya ka mid ah.

Qorsha cusub ee Amniga loo dejiyay ayuu Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi-raxmaan Cumar Yariisow ku sheegay in uu yahay in Deegaan deegaan la isugu xirayo Bulshada isla markaana Ammaanka guud ee Caasimadda iyo Gobollada dalka sidaas Nabadda loogu baahinayo.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ay tahay in la hubiyo Gaadiidkana loo sameeyo Taargooyin Gaar ah, taasoo sababi karta ciddii aan wadan Taargadaas in tillaabo adag laga qaado.

Sidoo kale waxaa ka mid ah waxyaabaha lasoo jeediyay in Ammaanka ay ka qeyb noqdaan Kaamirooyinka waddooyinka lagu xiro ee CC camera, kuwaas oo sida ay wax u dhacaan laga raad raaci karo.

Gobollo badan oo dalka ka mid ah waxaa ka socda weerarro ka dhan ah Al-shabaab oo ay fulinayaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM, sidoo kale waxaa dagaalka qeyb ka ah Ciidanka Maamul Goboleedyada iyo Diyaaradaha Mareykanka oo billaabay Toddobaadkii hore weerarro xiriir ah oo ay ka fulinayeen Gobollada ay Shabaabka iyo Daacish ku xoogganyihiin ee dalka.