Dhageyso: Baydhabo oo loo diiday iney galaan dadka ka imaanaya deegaanada Shabaab Maamulaan

0

Ciidamada amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa adkeeyay amaanka guud ee magaaladaasi ka dib amar ka soo baxay taliska laamaha amaanka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo lahadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ammaanka Magaalada Baydhabo aad loo adkeeyay.

Waxaa uu sheegay in dadka ka imaanaya degaanada ay maamulaan Al-Shabaab in aan loo ogoleyn in ay soo galaan Magaalada Baydhabo.

Taliyaha waxaa uu sheegay in Magaalada Baydhabo Saraakiisha ku sugan lagu Amray in Baydhabo ay ka celiyaan dadka ka imaanaya meelaha Al-Shabaab ay gacanta ku haayaan.

Dadkaasi ayuu ku tilmaamay iney yihiin dadka taageersan Al-shabaab ama ay noqon karaan Xaasaskooda.

Ciidamada amaanka ayaa lagu amray iney adkeeyaan amaanka goobaha laga soo galo magaalada,islamarkaana si aad ah u baaraan gaadiidka magaalada Baydhabo soo galaya.