DHAGEYSO:- Fariin Culus oo loo diray Saraakiisha Hay’addaha amaanka ee DFS

0

Saraakiisha Hay’addaha amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay iney si wanaagsan ula dhaqmaan Shacabka.

Sidoo kale Saraakiisha Hay’addaha amaanka ayaa loogu hanjabay in lagula xisaabtamaya shaqooyinka amniga la xiriira oo ay bulshada u hayaan.

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay si adag ula xisaabtamayaan Hay’adaha amaanka ee Dowladda.

Guddiga waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta Hay’addaha amaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa Xubnaha Guddiga ay bogaadiyeen shaqada ay wadaan Ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda Soomaaliya.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo Xubin ka ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Hay’addaha amaanka loogu baahan yahay in ay tixgeliyaan shacabka isla markaana ay si wanaagsan ula dhaqmaan.

Xildhibaan C/risaaq ayaa tilmaamay in Hay’addaha amaanka loogu baahan yahay in ay ilaaliyaan hantida iyo masuuliyada lagu aaminay.