Dhageyso: Farmaajo oo ku wareersan soo Xulashada 2 Shakhsi oo R/wasaaraha Raba

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ku wareersan yahay soo xulashada Labo Shakhsi oo Beel Weynta Habar Gidir kasoo jeeda islamarkaana wada doonaya Xilka R/wasaaraha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Codsiyada Labadaasi Shakhsi haya kuna fekiraya in dhinac kasta ka qiimeeya qofka uqalma Xukuumada Soomaaliya inuu hogaan unoqon karo.

Axmed Macalin Fiqi oo ka mid Ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo C/naasir Cabdulle Maxamed oo Madaxtinimada utartamay ahna Gudoomiyaha Xisbiga Gurmad ayaana is haya oo xilkaasi wada raadinaya.

Labaduba Saaxiib dhaw ayey Farmaajo la yihiin haba loo badiyee in Fiqi uu kaga dhaw yahay Madaxweynaha iyo Arimihiisa.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in R/wasaare Cusub La Magacaabo taasi oo Fiqi ama C/naasir la filayo midkood in lagu dhawaaqo kadibna Gole Wasiiro lasoo magacaabo oo Baarlamaanka la hor geeyo.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa raadinaya fursado ay Xukuumada Lasoo dhisayo kaga mid noqon lahaayeen oo ay dad badan raadinayaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARARKII UGU DAMBEEYEY R/WASAARAHA IYO XULASHADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here