Dhageyso: Gawaari Qaraxyo ku raranyihiin & Idaacaddii Al-shabaab oo la Burburiyay

0

Ciidamada Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay Burburiyaan, Laba Gaari oo Nuuca Xamuulka ah ayna Qaraxyo ka buuxaan, kuwaas oo la doonayay in la keeno Caasimadda dalka, isla markaana lagu waxyeelleeyo Xarumaha dowladda iyo dadka Shacabka ah.

Waxaa sidoo kale ciidamadu ay Burburiyeen Xarunta Raadiyaha Al-shabaab, inta uu socday howlgal ay kula wareegeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Cabdullaahi Cali Caanood, Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Idaacadda Andalus lagu burburiyay Howlgal ay ciidanka dowladdu ka sameeyeen, deegaannada Mubaarak iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Wuxuu shaaciyay in ay sii socon doonaan howlgallada ka socda Gobollada dalka ee lagu doonayo in meesha looga saaro Jiritaanka Al-shabaab.