DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku Baaqay in la Joojiyo Dagaal Beeleed ka socda Xadka Galgaduud iyo Hiiraan

0

Cali Jeyte Cusmaan,gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Beledweyne ayaa Odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay kala dhex galaan beelaha ku dagaalamaya deegaanada dhaca xuduudda ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo Galguduud.

Ciidamada xoogga dalka eek u sugan deegaanada lagu dirirayo ayuu ku booriyay in colaadahaasi ay joojiyaan xitaa haddii waanwaan lagu guuleysan waayo ay u adeegsadaan xoog ciidan.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraantii seddax ruux ayaa ku geeriyootay dagaalada sokeeyo ee ka soconaya deegaanka Baanyaaley dhaca xuduudda Galgaduud iyo Hiiraan.