Dhageyso: Hogaamiye katirsan Al Shabaab oo isa soo dhiibay (Magaciisa)

0

Maamulka Degmada Qoryooleey Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa soo bandhigay Hogaamiye sare oo katirsanaa Ururka Al Shabaab Ee Gobolkaasi.

Gaashaanle Cali Waal oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo jooga Qoryooleey ayaa sheegay in Nin lagu magacaabo Abuubakaru sadiiq maamulkeedana uu heystay deegaanka Dumburaale Ee Qoryooleey hoostaga.

Waxa uu gaashaanluhu sheegay in ninkaasi uu gawaaqsaday isaga inuu isa soo dhiibo iyaguna ay soo dhaweeyeen maantana lagu soo bandhigay Degmada Qoryooleey.

Ilaa Hadda wax war ah kama soo bixin Al Shabaab oo ay kaga hadlayaan Sargaalka la sheegay inuu dhankooda iska soo dhiibay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GAASHAANLE CALI WAAL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here