Dhageyso: Jawaari “Bashiir Goobe Xildhibaan Baan Ka dhigi Lahaa Hadii Aan…”

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta la aas aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ugu Horeyn Mudane Jawaari ayaa waxa uu hambalyo usoo diray Dhamaan ciidanka Asluubta iyo Xaasaskooda islamarkaana urajeenayo Hormar Ballaaran.

Dhowr Qodob ayuu ka hadlay Jawaari isagoo Maxaabiista lagu xiro Xabsiga Dhexe  aysan da’ ahaan isku qalmin kuna baaqay in qolal isku mid ah lagu xirin.

Gudoomiye jawaari waxa kale uu ku taliyey in il gaar ahaaneed lagu hayo Haweenka Maxaabiista ah oo si dhaw loola socdo Xaaladooda.

Miisaaniyada Dawlada ay ku shaqeeneyso ayuu sheegay inay ku dari doonaan Xuquuqda Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Hab maamulka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaalyeed General Bashiir Goobe ayuu aad u amaanay Gudoomiye Jawaari isagoo xitaa ku kaftamay hadi Xildhibaan boos ka banaan noqon lahaa Bashiir Goobe.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO KHUDBADII JAWAARI UU JEEDIYEY MAANTA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here