Dhageyso: Kheyre oo sheegay in Siyaasiyiinta dhaliila DFS ay yihiin Al-shabaab

0

War kale oo xasaasi ah, Ra’iisul wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Siyaasiyiinta dhaliisha la daba jooga DFS ay yihiin Al-shabaab, isla markaana si isku mid ah loola dagaallamayo Shabaabka iyo kuwa dhaliilaha qaawan la daba taagan xukuumaddiisa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkan wuxuu ka sheegay kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ay ugu talagashay in haweenka Soomaaliyeed ay ku garab istaagaan DFS.

Iyadoo kulanka looga hadlayay sidii Al-shabaab meesha looga saari lahaa, ayuu Xasan Cali Kheyre sheegay in xukuumaddiisu ay isku mid u taqaan Shabaab-ka iyo kuwa Dowlad diidka ah oo uu kala jeedo dadka dhaliila siyaasadda DFS.

“Balanteennu waxay tahay Shacab iyo Dowlad Garbaha is heysta, Ballanteenu waxay tahay in aad ogaataan Dowlad diid iyo Shabaab in aysan wax farqi ah u dhexey, Taliyaha Ciidanka Xoogga waxaan farayaa in uu idiin furo xafiiskiisa” sidaas waxaa yiri Kheyre.