Dhageyso: Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

0

Isagoo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayuu sheegay madaxa xukuumadda ee maamulkaas Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan in ay isu diyaarinayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in ka hor inta uusan dalku gelin doorashada Qof iyo Codka ah ay tahay in dalka oo dhan laga saaro Shabaab, taasna ay billaabayaan Galmudug.

Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay Shabaab isaga qaban lahaayeen, maaddaama aysan jirin cid ay u turayaan Ururkaas, sida uu hadalka u dhigay.

Deegaannada Galmudug ayuu uga dhawaaqay in dagaalka Shabaab ka dhan ah uu ka billaabanayo, iyadoo la raad raacayo Amarkii madaxweynaha dalka ee ahaa in Al-shabaab lala dagaallamo, weliba aan fursad loo siin in ay dadka kusoo dhex laabtaan.