Dhageyso: Madaxweyne Waare oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray Axmed Madoobe

0

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay baaqii kasoo yeeray Axmed Madoobe ee ahaa in uu Gogol Nabadeed dhigayo Magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in hadalkaas uu soo dhaweynayo isaga oo ah Madaxweynaha Hir-Shabeelle isla markaana uu sugayo waqtiga rasmiga ah ee wadahadaldaas ay furmi doonaan uuna tegi doono Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda Maamulka Galmudug waxa uuna sheegay in dhisitaankii Maamulkaas dhibaato adag laga soo maray sidaas darteedna ay wanaagsan tahay in wax walba wadahadal lagu dhameeyo.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay iney muhiim tahay wax waliba in lagu xaliyo wada hadal,islamarkaana horay loo sii wado waxqabadka maamulka,wuxuuna carabka ku adkeeyay in xilligan loo baahneyn xiisad ka dhex ooganta madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug.