Dhageyso: Qasaaro intee la Eg ayaa kadhashay duqeyn ka dhacday Puntland?

0

Diyaarad dagaal ayaa la soo sheegayaa in Aroornimadii saakay duqeyn ay ka geysatay deegaan ku dhow magaalo Xeebeedka Caluula ee Gobolka Gardafuu ee Puntland.

Mid kamid ah dadka deegaanka Afkalahaye ee degmada Caluula oo la hadlay  warbaahinta ayaa sheegay in diyaarad  jawi hoose ku socotay ay duqeyn ka geysatay deegaanka islamarkaana uu jiro qasaaro soo gaaray xoolo ay lahaayeen dadka deegaankas.

“Saakay Salaadii Subax diyaarad dagaal ayaa duqeysay deegaanka Afkalahaye ee degmada Caluula, dhawaqa rasaasta ay ridaysay ayaa laga maqlay deegaanka, goobta ay duqeysay ayaa ah goob ay ku sugnaayeen xoolo, waxaa jiro qasaaro soo gaaray xoolaha baaritaan ayaan wadnaa”, ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamul Goboleedka Puntland oo looga hadlayo diyaaradda duqeysay degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland.