Dhageyso: RW Kheyre oo Guddoomiye Thaabit ku amray inuu shaqaaleysiiyo kun dhalinyaro ah

0

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay in shaqo la siinayo kun (1000) dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Muqdisho.

Ra’isal Wasaaraha ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku amray in uu shaqaaleysiiyo kun dhalinyaro ah kuwaasi oo shaqa la’aan ah kuna nool Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shaqadaan iyo fursadaan la siiyay dhalinyarada ay tahay mid bilaaw ah isla markaana ay fursado kale heli doonaan dhalinyaradaSoomaaliyeed.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada kale eek u nool gobolada dalka iyaguna fursad la siinayo loona abuurayo shaqo sida uu Ra’isal Wasaaraha.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu xalay ka qeyb galay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee dhalinyarada aduunka.

Dhibaatada ugu weyn ee heysata dhalinyarada Soomaaaliyeed ayaa ah shaqo la’aan, waxaana jira dhalinyaao jaamiciyiin ah oo dalka muddo shaqo la’aan ku ah.