Dhageyso: Suuq Ku Yaalla Gobolka Hiiraan oo Keentay in 6 Dollar Neef La Iibiyo

by admin | Friday, Feb 17, 2017

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Hoos udhac ballaaran laga soo sheegayaa Qiimaha la kala iibsado Xoolaha Suuqyada Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Xoolaha Iibiya waxay sheegeen in Neefka Ariga Ah meelaha qaar la arkayo iyadoo la iibinayo 6 ilaa 7 Dollarka Mareykanka Ah.

Arintaan ayaa ugu wacan in Abaarta ay saameysay dadka Deegaanada Gobolka Hiiraan ayna dadku doonayaan waxay cunaan lacag ay ku gataan.

Lacag ahaan 150 ilaa 160 Kun Shillin Soomaali ah ayaa la kala siisanayaa Neefka Xoolaha Ariga oo hore bilo ka hor loo iibin jiray Hal Milyan Shillin Somaali iyo kabadan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA SUUQYADA GOBOLKA HIIRAAN

Like it? Share it!

Leave A Response