Dhageyso: Ujeedka Shabaab ka lahaayeen weerarkii Bariire iyo Cali Dheere oo ka hadlay

0

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage oo la hadlay Warbaahinta Afka Al-Shabaab ku hadasha ee Andulus ayaa faah faahin ka bixiyay weerar aroornimadii shalay oo jimca ahayd Al-Shabaab ku ekeeyeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Cali Maxamuud Raage ayaa marka sheegay in weerarkii Shalay ay ugu aargudayeen dadkii dhawaan lagu laayay deegaanka Bariire iyo Tuulada Axmed Yare eek a tirsan degmada Jilib kuwaasi oo ay qaadeen Ciidamada Dolwadda Soomaaliya oo ay caawinayaan kuwo Mareynkan ah.

Wuxuu sheegay Cali dheere in Weerarkaan ay abaabuleen iyagoo ka jawaabayay weeraradaasi wuxuushinimada ah ee lagu laayay shacabka,sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Sheykh Cali dheere yiri: “Allaah ayaa u suurageliyey Mujaahidiinta in ay halkaas qabsadaan ka dib markii mujaahidiintu ay camaliyaat Istish-haadi ah ku fuliyeen, ka dibna ay ciidamadu uga soo daateen darbiyada iyo difaacyadii ay dhisteen, iyagoo halkaas gudaha u galay, si ba’ana u laayey cadowgii xasuuqay Muslimiinta”.ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka Bariire ay ku dileen ku dhawaad 30-Askari,islamarkaana ay ku gubeen gaadiid iyo saanad kale oo ciidan ay lahaayeen Ciidamada Dowladda.