Dhageyso: Xaaf” Xamar Jidadkeeda 70% wey xiran yihiin”

0

Axmed Ducaale Geele Xaaf,madaxweynaha Galmudug oo Muqdsho kaga qeyb galaya shirka maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe kana hadlay xaalada Muqfisho ayaa sheegay jidadka Muqdisho boqolkiiba Soddon in ay furan yihiin, halka boqolkiiba Todobaatana ay xiran yihiin, kadib khudbad uu ka jeediyay shirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Wuxuu sheegay Madaxweyne (Xaaf) ammaanka Muqdisho inuu yahay mid sii xumaanaya oo shacabka Soomaaliyeed ay maxbuus ku yihiin guryahooda, sidaasina aanan loo baahneyn.

Xaaf ayaa sheegay wadada keliya ee Ciidamada Dowladda la isugu geeyay ee ammaankeeda la isku haleyn karo in dhowaan ay ka dhaceen laba qarax oo ay ku naf waayeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Madaxweyne (Xaaf) ayaa sheegay muhiim in ay tahay in wada shaqeyn dhab ah ay dhexmarto Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, si ammaanka guud ee dalka uu u noqdo mid la isku haleyn karo.

Xaaf ayaa ugu danbeyntii shacabka ugu baaqay iney la shaqeeyaan Dowladda iyo maamul Goboleedyada si looga baxo dhibaatada ina heysata.